Ciidamada madaxtooyada Puntland oo Mushaar la’aan darteed waddooyin u xirtay

Warar kala duwan ayaa aksoo baxaya Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo xirtay waddooyin muhiim ah, kadib markii Ciidankaasi ay ka gadoodeen mushaar la’aan soo wajahday.

Ciidamada ayaa la sheegay inay joojiyeen isku socodka guud ee waddooyin muhiim u ah Magaalada Garoowe, waxaana ay ka cabanayaan mushaar la’aan, iyadoo Ciidankaasi ay qayb ka yihiin Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada maamulkaasi Puntland.

Ciidamada oo aad u hubaysan ayaa saaka waxaa u xiran waddada gasha wasaaradaha iyo madaxtooyada, waxaana jirin wax isku socod ah oo ka jira Aaaggaasi ay xirteen Ciidankaasi caarysan.

Waxaa la arkayaa Ciidamadu iyaga oo dib u celinaya mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha doonaya inay isticmaalaan waddooyinkaasi u xiran oo ah kuwo muhiim ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor