Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Jeneraal Berhanu Jula, ayaa sheegay in ciidamadiisu si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalo madaxda gobolka Tigree-ga ee Mekelle.
Sheegashadiisan ayaan ilaa haatan cid madax bannaan oo xaqiijinaysaa jirin.
Dhanka kale, xoogagga Tigree-ga ayaan iyaguna ilaa haatan dhinacooda fal celinin hadalkaa uu shaaciyey taliyuhu.
Mar sii horaysay ayaa hogaamiyaha xoogagga fallaagada ah ee gobolka Tigree-ga ayaa sheegay in ciidamada dawladda Itoobiya bilaabeen guluf ay doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Mekelle ee caasimadda gobolkaas.
Hogaamiyaha xisbiga TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa fariin telefoon oo qoraal ah oo uu u diray wakaaladda wararka ee Reuters ugu sheegay in Mekelle “duqayn culusi” ku socoto.
Afhayeenka xafiiska Ra’iisul Wasaare Billene Seyoum, ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya aanay “duqaynayn” goobaha rayidka ah, waxaanay intaa ku dartay in “bedqabka dadka rayidka ah ee reer Itoobiya ee ku nool Mekelle iyo gobolka Tigray tahay arin mudnaan u leh xukuumadda federaalka”.