Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Nin ay Ciidanka Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Somaaliya ku toogteen Gudaha Suuqaqeyn ee Bakaaraha degmada Howl-Wadaag ee Gobolka Banaadir.
Ciidamada ayaa Ninka ay toogteen waxaa la sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab islamarkaana uu ku sugnaa meel aan ka fogeen Masaajidka ku yaalla agagaarka Suuqa daawada ee Bakaaraha,iyaadoo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabad-Sugida ay sheegeen in uu ku hubeesnaa Bustoolad Nooca Saarufta loo yaqaano.
Weli Ninkaas ay ciidamadu toogteen lama shaacin magaciisa,waxana la filayaa in saacadaha soo socda ay laamaha amniga Somaaliya faah faahin ka bixiyaan Dilka Ninkaas la sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab.