Ciidamada Dowladda oo Dhalinyaro ku qab qabtay howlgal ay sameeyeen

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa saakay waaberigii ay howlgallo ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Hurwaa ee Gobolkan Banaadir.

Ciidamo isugu jira, Boolis Nabad, iyo Millateri,waxana la sheegay in Xaafado ka tirsan suuqa Xoolaha ay baaritaano ka sameeyeen,isla markaana mararka qaar ay Guryaha galayeen.

Tiro dhalinyrao ah ayaa howlgalkaas lagu qab qabtay,waxan dad ku sugan suuqa Xoolaha ay sheegeen in dhalinyaradaas la isugu geeyey goob barxad ah,isla markaana baaritaano lagu sameeyey.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Hurwaa ayaa waxa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu ahaa xaqiijinta dhinaca amniga ah,waxana inta uu hwolgalka socday uu saameyn ku yeeshay Ganacsiga Xaafada Suuqa xoolaha oo xilligaas la fureyey.

Laamaha maniga Soomaaliya dhankooda weli wax faah faahin ah kama bixin howlgalka dadka dhalinyarada u badan lagu qab qabtay ee saakay laga sameeyey Xaafado ka tirsan degmada Hurwaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor