Ciidamada dowlada oo 15 ku xiray magaalada Muqdisho

Ciidamada ammaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa howlgalo ay ka sameeyen degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho waxa ay ku soo xiren ugu yaraan 15 ruux oo lala xiriiriyay Al Shabab.

Saraakiil ka tirsan hey’addaha amniga ayaa sheegay in dadka la soo qabtay iney ku jiren seddex nin oo qirtay iney ka tirsan yihiin Al Shabab.

Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgalada amniga lagu xaqiijinayo oo ay ka fuliyan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor