Ciidamada Amniga ayaa waxaa la sheegay in ay hub ka furteen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, ka dib hawlgal ay ka fuliyeen Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Habeenimadii 09-kii bishaan Maarso ayay Ciidamadu weerar Ku qaadeen Xaafadda Hantiwadaag,halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.
War qoraal ah oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada gacanta ay ku dhigeen noocyo kala duwan oo hub ah kaas oo ay Al-shabaab isticmaali jireen dadka,waa sida lagu yiri warkaas.
Cidamada amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa mareykanka ayaa 7-dii bishan howgal qorsheysan ku dilay Afar Sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab degaanka Gamboole ee Gobolka Shableellada Dhexe.