Ciidamada Amniga ayaa  howlgal qorsheysan ka fuliyay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ,waxaana ay gacanta ku soo dhigeen laba ka tirsan Alshabaab. sida uu sheegay Taliska NISA.
Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu dhacay habeen hore Kaas oo ahaa mid lagu sugayay Nabad-galyada Shacabka, Islamarkaana ay Ciidanka amniga gacanta ku soo dhigeen labadaasi ka tirsan Al-Shabaab.
“Habeynimada 23ka Agoosto, ciidanka Nabadgelyada Dowlada Federaalka ah ayaa Degmada Wadajir waxay howlgal kusoo qabteen labo shakhsi oo Alshabab ah. Howlgalkaan oo lagu sugayay nabadgelyada dadwaynaha soomaaliyeed, cidna wax kuma noqon.â€ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay NISA.
Todobaadkii la soo dhaafay ayaa Nabadsugida Soomaaliya waxa ay sheegtay in degmada Yaaqshiid laga soo qabtay Nin ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana ku howlanaa dilalka iyo qaraxyada sida ay hadalka u dhigeen.
Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,waxaana ka mid ah deegaanadaas Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.