Wararka Radio Dalsan kasoo gaaraya Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu qbatay gaari laga soo buuxiyay waxyaabah aqarxa iyo Saddex ruux oo la socotay.
Qabshadaan Gaariga laga buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo dadka ayaa ka dambeysay kadib markii saakay Ciidamada booliska Koonfur Galbeed ay howlgal ka sameeyeen Xaafad ka tirsan Magalada Baydhabo.
Saraakiil u hadashay Ciidamada booliska ayaa waxa ay sheegeen in dadka la qabtay cadaalada lahor-geyn doono,balse ma sheegin halka la doonayay in lagu weeraro.
Ciidamada booliska Koonfur Galbeed ayaa Ammaanka Baydhabo aad u adkeeyay tan iyo markii la galay doorashadii uu kusoo baxay Laftagareen,waxaana xusid mudan in Baydhabo ay horay uga dhaceen qaraxyo ismiidaamin ah.