Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa weli waxa ay holwgallo ka wadaan tuulooyin hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxa ay sheegeen in uu qeyb ka yahay mid la doonayo in deegaanada Jubbaland looga saaro dagaalyahanada Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa Gobolka Jubbada Hoose dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada ciidamada xoogga dalka Soomaaliya,iyaga oo donaya n ay Al-Shabaab ka saaraan deegaanada Gobolada Jubboyinka iyo Gedo.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab,isaga oo kormeeray xerooyin lagu diyaariyay Ciidamada Maamulkaas.