Hoggaamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa booqday Hoteelka Elite oo dhawaan ay weerar ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Shabaab.
Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo Hoteelka kula kulmay milkiilaha iska leh ee Xildhibaan Cabdullaahi Maxamad Nuur, waxaana bogaadiyay qaabka uu adkeysiga u muujiyay iyo sidii uu dib u habeynta ugu sameeyay Hoteelka Ganacsade Xildhibaan Cabdullaahi Maxamad Nuur .
“Waxaan maanta booqday Hotel Elite oo maalmo ka hor ay Alshabaab weerareen. Waxaan barxada Hotelka shaah kula cabay milkiile Xildhibaan C/laahi Maxamad Nuur. Waa ganacsade geesi ah oo ay ka go’an tahay in uu Hoteelka dib u hawlgeliyo, muujiyana adkaysi iyo in aan loo nuglaan Al-shabaab” ayuu yiri CC Shakuur.
Hoteel Elite ayaa dhawaan waxa lagu qaaday weerar khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu ka dhashay, waxaana ku dhinaty dad shacab ah iyo madax ka tirsan dowladda.