• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, July 13, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Cali Geedi oo War kasoo saaray ansixinta Meletaadda G/Banaadir fariina diray

Bilan Media by Bilan Media
June 28, 2020
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 3 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa War kasoo saartay ansixinta Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee dalka oo shalay ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Cali Geedi oo soo saaray qoraal dheer uu kaga hadlay ansixinta Metelaadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa sheegay in Go’aan ansixinta uu yahay mid baal dahab ka galay taariikhda Gobolka iyo guud ahaan Qaranka, isagoo sheegay in tallaab geesinimo leh ee uu qaaday Golaha Shacabka BFS.

Shacabka Gobolka Banaadir iyo Gobolada kale ayuu RW hore Cali Geedi ugu baaqay inay  ay taageeraan Golaha Shacabka kana difaacaan ciddii isku dayda inay wiiqdo geeddi socodka sharciga iyo hannaanka doorashooyinka dalka ee qof iyo cod.

Ugu dambayntii Cali Geedi ayaa waxaa uu sheegay in shacabka Banaadir iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedba ay baarlamaanka Federaalka uga fadhiyaan dhamaystirka maqaamka caasimadda Muqdisho.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Cali Geedi.

Golaha Shacabka BFS wuxuu u codeeyey, aqlabiyad buuxdana ku meel mariyey sharciga matalaadda siyaasadeed ee bulshada Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir. Waa go’aan baal dahab ka galay taariikhda Gobolka iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed. Waa tallaab geesinimo leh ee uu qaaday Golaha Shacabka BFS uguna hiilliyey muwaadiniintiisa xaqooda dastuuriga ah laga curyaaminayey muddada dheer..

Shacabka sharafta leh ee Gobolka Banaadir iyo Gobollada kaleba waxaa iyagana laga rabaa in ay taageeraan Golaha Shacabka kana difaacaan ciddii isku dayda inay wiiqdo geeddi socodka sharciga iyo hannaanka doorashooyinka dalka ee qof iyo cod ee hoggaaminayo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, loogana gudbayo doorasho dadban iyo in masiir ama xaq-siyaasadeed muwaadin uu ku sii jiro gacan shakhsi kale, darajada uu rabo ha lahaadee.

Allaha awoodda leh kaddib, waxaa mahaddaas iska leh Golaha Shacabka BFS oo shalay ansixiyey 13 xubnood ee shacabka Gobolka Banaadir ku matali doona Aqalka Sare ee BFS.

Si ka sarreysa, qaddarin iyo mahadcelin aan la koobi karin waxaa leh Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furitaankii kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (06.06.2020) uga dhawaaqay hindisaha matalaadda shacabka Gobolka Banaadir, si qiiro lehna uga codsaday inuu ku xurmeeyo kana aqbalo, taasoo Golaha Shacabka BFS uu hoosta la xarriiqay fuliyeyna. Madaxweyne Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah, kana jawaabaya rabitaanka dadkiisa, ayaa u bareeray oo dhigay sumad ama rikoodh (record) ay dhigi waayeen Madaxweyneyaashii ka horreeyey.

Ugu dambayntii, shacabka Banaadir iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedba waxay baarlamaanka uga fadhiyaan dhamaystirka maqaamka caasimadda Muqdisho oo ah gool kale oo dhalintiisa laga sugayo Goleyaasha Qaranka iyo Madaxweynaha JFS.

Previous Post

Xildhibaanada Somaliland oo Ansixiyay xubno ay horey u diideen

Next Post

Cumar Finish “Muqdisho waa Magaalada kulmisa dhamaan shanta Soomaaliyeed”

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

July 13, 2025
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

July 12, 2025
Next Post

Cumar Finish “Muqdisho waa Magaalada kulmisa dhamaan shanta Soomaaliyeed”

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug ayaa xalay fuliyay howlgal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga magaalada. Howlgalkan ayaa waxaa...

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qaybgalay kulan lagu dhiirigelinayay doorka muhiimka ah ee haweenka Puntland ay ka...

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa caddeeyay in dalkiisu si buuxda oo aan shuruud lahayn u taageerayo mowqifka Ruushka...

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

by Ilhaan
July 12, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Najiib, ayaa sheegay in shirweynaha la filayo inuu ka qabsoomo...

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: "Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac"

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
  • Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
  • Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
  • Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00