Cumar Finish “Muqdisho waa Magaalada kulmisa dhamaan shanta Soomaaliyeed”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Khubad ka jeediyay Taaladda Daljirka Daah-soon ee Degmada Boondheere oo uu ka socdo Banaanbax lagu taageerayo ansixinta Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee dalka.

Cumar Finish oo la hadlaayay boqolaal dad ah oo isugu soo baxay fagaaraha Daljirka Daah-soon ayaa waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo Go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay Metelaadda Gobolka Banaadir kusiiyeen 13 xubnood ee Aqalka Sare ee dalka.

Waxaa uu sheegay in Gobolka Banaadir uu yahay Caasimadda dalka Soomaaliya ayna muhiim ay tahay in Aqalka Sare Kuraas laga siiyo, isagoo xusay in tallaab geesinimo leh ay qaadeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

“Magaalada Muqdisho waa hooyada magaalooyinka Soomaaliya oo dhan, waa magaalada dadka Soomaaliyeed oo dhan, waana hooyada Calanka Soomaaliyeed waa meesha kaliya ee shanta Soomaaliyeed aysan ku dareemin in laga leeyahay oo ay ku dareemaan inay iyagu leeyihiin taas ayaa mudan in lagu qiimeeyo Muqdisho” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Finish.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka ayaa waxaa uu mahadceliyay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu tilmaamay inuu geed dheer iyo geed gaaban u koray sidii Gobolka Banaadir matalaad ugu heli lahaa Aqalka Sare, sidoo kalena waxaa uu u mahadceliyay dhamaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media