Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale oo kasoo horjeestay xilka qaadistii maalin kahor uu ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku adkeeysanaya inuu weli yahay Guddoomiyaha Gobolkaas.
Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa wadahadalo dhanka telefoonka yeeshay Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Guddoomiyihii xilka qaadis lagu sameeyay ee Cali Caraale, kuwaasi oo lagu xalinayo arrinta ka dhalay xilka qaadita.
Xildhibaaano ka tirsan Hirshabeelle ayaa Cali Caraale ka dalbaday inuu xilka wareejiyo, isla markaana la xaliyo Khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Man jirto weli wax natiijo ah oo wadahadladaas ka soo baxay, waxaana wararka ay intaas kusii darayan in Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka qaadista lagu sameeyay lagu qancinayo inuu xilka wareejiyo.
Cali Muxumed Caraale ayaa ku sugan Xarunta uu ku shaqeeyo Maamulka Gobolka Hiiraan ee Magaalada Baladweyne, waxaana sidoo kale aad loo adkeeyay amniga Xaruntaas iyo goobaha kale eek u dhow.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maalin kahor Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan markii saddexaad u Magacaabay Cali Jeyte Cismaan.