Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa maanta gaaray Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii Maamulka Hir-Shabelle balse Xildhibaanadu ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen.
Markii uu tegay Baladweyne waxaa soo dhaweyn u sameeyay Masuuliyinta Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne,iyada oo intaas kadib la geeyay xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ee gudaha Magaalada Baladweyne.
Macada sababta uu halkasi u tegay,waxaana uu ahaa mid aan horay loosii shaacin safarkiisa,iyada uu inta uu ku sugan yahay sida la sheegay uu kulamo la qaadan doono Masuuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan iyo Waxgaradka intaba.
Waa markii ugu horeysay uu Baladweyne tago Cosoble, tan iyo markii 14kii bishan Xildhibaanada Hir-Shabeelle ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen dowladda Soomaaliyana ay ku raacday.