Calanka Galmudug oo laga taagay Xafiisyada Maamulka Ahlusuna ee Dhuusa Mareeb

Wararka ay Dalsan ka haleyso Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Xafiisyada Maamulka Ahlusuna ee degamadaas laga taagay Calanka Maamulka Galmudug.

Qaar ka mid ah Bulshada ku nool degmada Dhuusa Mareeb ayaa wax ay sheegeen in mar qura ay arkeen Calanka Maamulka Galmudug oo suran Xafiisyada uu Maamulku ku Shaqeeyo ee degmada Dhuusa Mareeb.

Arrintaan ayaa timid kadib heshiiskii ay 6,dii Bishaan December  muqdisho ku kala saxiixdeen Madaxda Galmudug iyo Ahlusuna kaas oo inta badan awood dheeraad ah siinayay Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan.

Dadka ku nool degmada dhuusa Mareeb ayaa Caawa hadalhaya isbedelka ka jira degmada Dhuusa Mareeb ee h in mar qura Calanka Galmudug laga taagay Xarumaha Maamulka Ahlusuna uu ku Shaqeeyo ee degmadaas.

Maalmaha nasoo aadan ayaa sida uu qorshuhu yahay la filayaa in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Sheekh Shaakir ay tagaan degmada Dhuusa Mareeb si labada Maamul loo mideey

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media