Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#139 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ayaa dhowr daqiiqo kahor kusoo dhammaatay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Doorashada kursiga HOP#139 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Xamdi Cali Shire iyo Cabdisamed Macalin Maxamuud Xasan oo uu dhalay hoggaamiyaha Ururkii Ahlusunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe Macalin Maxamuud…
Cabdisamad Macalin ayaa kusoo baxay doorashadii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb, isagoona loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, kadib markii uu tartanka doorashada ka haray Musharaxii la tartami laheyd ee Xamdi Cali Shire.
Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in Cabdisamad Macalin Maxamuud uu ku guuleystay kursiga HOP#139 ee Golaha Shacabka, isal markaana uu helay 101 Cod oo gacan taag dhammaan codadka lagu siiyay.
Doorashada kuraas kale oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isla Maanta lagu qabanayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.