Milliteriga Yuhuudda oo burburiyey Doon ay lahaayeen Reer Falastiin.

Duqeyntaasi oo dhacday Waaberigii hore ee saakayto ayaa lagu burburiyey doon maraysay Badda magaalladda Qasa ee Marinka Qasa.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay inuu dab ka kacay doonida la duqeyey, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Hadal ka soo baxay Milliteriga Yuhuudda ayaa lagu sheegay inay duqeeyeen Bar-tilmaamedyo Milliteri oo ay lahaayeen Ciiddanka Badda ee Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS iyo Bakhaaro lagu kaydiyo hubka oo ku yaalla dhulka hoostiisa.

Duqeyntan ayaa timid, kadib, markii ay Dagaalyahano ka tirsan XAMAAS ay shalay ka duseen Siliga ku xiran Xuduudka Yuhuudda, isla markaana ay rasaas ku fureen bar ay Milliteriga Yuhuudda joogeen.