C/raxmaan C/Shakuur oo fariin fursad ah u diray Mas’uuliyiin ka tirsan DFS

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa baaq u diray Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku lugta lahaa weerarkii lagu qaaday Gurigiisa dhammaadkii sanadkii 2017.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay si buuxda raalin-gelin C/raxmaan C/Shakuur uga siiyay weerarka dowladdii uu ka tirsanaa ku qaaday Guriga Siyaasiga 17-kii Dec, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Kheyre ayaa kulan saacado dhowr ah la qaatay C/raxmaan C/Shakuur, kadib markii uu hoygiisa ku booqday, iyagoona ka wada hadlay sidii loo xalin lahaa xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay weerarkii lagu qaaday.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay inuu aqbalay raali-gelintii uu sameeyay Xasan Cali Kheyre, kadib Qoraal kooban uu bartiisa Facebook soo dhigay markii uu soo Idlaaday kulan oo ay ka qeyb galeen siyaasiyiin kala duwan iyo C/kariin Xuseen Guuleed.

Ugu dambeyntii C/raxmaan C/Shakuur ayaa Mas’uuliyiinta kale ee dowladda Federaalka ee ku lugta lagaa weerarkii Gurigiisa lagu qaaday17-kii Dec 2017  ugu baaqay inay weli heystaan fursad ay ku bixin karaan raali-gelin lamid ah tan uu bixiyay RW hore Kheyre.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media