Dad loo qabtay Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Gaalkacyo

Ciidamada ammaanka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Maamulka Puntland ayaa xalay howlgal kala duwan ka sameeyay xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan Gaalkacyo.

Howlgalka ayaa waxaa lagu qabtay shabakad looga shakiyay inay ka dambeeyeen weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo xalay fiidnimadii hore lagu weeraray Ciidamo  ka tirsan kuwa amniga Magaalada, xili ay ku sugnaayeen Bar koontarool.

Saddex ruux oo lagu tuhamayo weerarkaas ayaa laamaha amniga gacanta ku dhigeen, sida sheegeen Saraakiisha amniga Puntland, kuwaasi oo ku xiran Saldhig Ciidan, isla markaana ay ku socdaan baaritaano.

Dad goobjoogayaal ah oo xiligii xalay weerarka uu dhacayay warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in goobta uu ku geeriyooday hal qof oo halkaas ka Agdhawaa, sidoo kalena laba Askari ay dhaawacyo gaareen, durbana la geeyay Xarun Caafimaad.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa xiliyada habeenkii ah mararka qaarkood ka dhaca falal amni darro, waxaana dhawaan Saraakiisha Ciidanka Puntland ay sheegeen in howlgal la sameeyay lagu qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab oo falal amni darro geystay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media