Burcad Gawaarida xada oo Gacanta lagu dhigay

Ciidanka booliiska  Somaliland ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan shebekad baabuurta dadka kaga xadayay magaalada Hargeysa iyo magaalooyin kaleba.

Baabuurta la xado ayaa intooda badan boliisku soo helayey iyagoo qalfoof ah oo wax walba laga furtay.

Taliyaha guud ee Ciidanka boliiska Soomaaliland general Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo dad laga xaday baabuurtoodii oo boliisku u soo heleen raqdii gaadiidkooda.

Waxa uu sheegay taliyaha in howlgal Ciidamada ay sameeyeen suurtagashay inay Gacanta ku soo dhigeen in ka badan 20 ka mid ah kooxaha Burcada ah,isla markaana dhawaan Maxkamad la soo taagi doono.

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyey in labadii bilood ee la soo dhaafay kooxaha burcad ah ay xadeen in ka badan 40 ka mid ah Gaadiid ay lahaayeen Shacabka Hargeysa.

Dhinaca kale Mustafe Kheyre oo ka mid ah dadkii Baaburta laga xaday ayaa sheegay in Gaarigiisa uu uga tegay banaanka gurigiisa balse daqiiqado kadib laga kaxeestay,maalmo kadibna,isaga oo la furfurtay laga soo helay dooxada Hargeysa.

Shacabka Magalada Hargeysa ayaa soo dhaweeyay tallaabada Ciidamada soomaaliland ay ku soo qabteen Kooxaha Burcada ah ee Gawaarida xada,iyaga oo sheegay inay aheyd dhibaato heysata Shacabka Xaafadaha kala duwan ee Magalada Hargeysa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media