Waxaa Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka saacadihii lasoo dhaafay ee shalay dil toogasho ah loogu geystay qof la sheegay in uu guri jabsaday oo uu dhacaayay, kaddibna qofkii guriga lahaa uu toogtay.
Qofka toogashada lagu dilay oo aanan weli la shaacinin magaciisa, da’adiisa iyo jinsiyadiisa ayaa la sheegay in uu guri jabsadday, kaddibna haweenaydii guriga lahayd oo qori haysatay ay dishay Ninka.
Haweeneyda Guriga la dhacaayay laheyd ayaa markii ay aragtay burcadka rabay in uu guriga xado u digtay rasaasna kor u riday dhowr jeer, balse markii dambe go’aansatay in ay toogato qofkii gurigeeda jabsaday.
Dilkan iyo warbixinta la xiriirta ayaa ah mid cusub, weli ma jiro wax faah faahino dheerad ah oo la xiriira sida ay wax u dhaceen iyo xaqiiqda dhabta ah ee la xiriita qofka la dilay, sidoo kalena ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Booliska Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.