Burburkii Diyaarada Masar oo laga helay biyaha ka baxsan magaalada Alexandria

Telefishinka dowlada Masar ayaa baahiyay in Ciidamada Badda Masar ay maanta ka helen biyaha ka baxsan magaalada Alexandria gaar ahaan dhinaca waqooyi qeyb kamid ah burburkii diyaaradii Masar sida aan ka soo xiganay Aljazeera .

Ciidamada Masar waxa ay sheegen iney helen qashinka diyaarada iyo waxyaabo loo maleynayo iney leeyihiin dadkii rakaabka ahaa ee diyaarada saarnaa.

Ciidamada cirka iyo kuwa badda ayaa ka qeyb qaatay howlgalka lagu helay burburka diyaaradasi oo luntay shalay oo Khamiis ahayd iyada oo wada 66 qof sida AP ay sheegeyso.

Madaxweynaha Masar Cabdifatax Al Sisi ayaa tacsi u diray dhamaan ehelada kuwii saarnaa diyaarada burburtay.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor