Hadalkaasi ayaa soo baxay, kadib, markii uu Xoghayaha Xafiiska
Arrimaha Dibedda iyo Horumarinta Caalamiga ee dalkaasi, Rory Stewart uu dhawaan booqasho ku yimid Somalia, isagoo ka digay Xaalladda macluusha ee weli ka jirta qeybo ka mid ah Somalia.
Waxa uu tilmaamay inay Dowladda UK kaalin hoggaamin ka qaadatay sidii wax looga qaban lahaa arrintaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay inay dalalka kale gacan buuxda ka geystaan si looga hortago Macluul baahsan oo ka dhacda Somalia, waa sida uu hadalka u
yiri.:Waxaa waajib nagu ah inaan qaadno ficil loo dhan yahay, si loojoojiyo inay dad badan oo Somali ah u geeriyoodaan Macluusha†ayuu yiri Mas’uulkaasi.
Wuxuuna intaasi ku daray in loo baahan yahay inay Beesha Caalamka ku tallaabsadaan Dadaalo Waqti dheer ah, si loo soo celiyo Deganaanshaha iyo Nabadda Somalia.
Mar uu ka hadlayey Kaalmadda Degdegga ee ay Dowladda Britain ka geysatay sidii wax looga qaban lahaa Macluusha Somalia, waxa uu xusay inay bixiyeen lacag dhan 17 million ee Geniga Ingiriiska, si looga hortago Macluusha ka jirta qeybo ka mid ah Somalia.
Dhinaca kale, Hay’adaha Samafalka ee QM ayaa sheegay inay in ka badan 1.4 million oo Carruur Somali ah haysato Nafaqo-daro, kuwaasi oo kala-bar ka mid ah carruurtaasi haysanin cunto ku filan.