Boliska Britain waxay Waaberigii hore ee Khamiistii la soo dhaafay u dhaceen guri ku yaalla Degmadda Worcester, halkaasi oo ay ka soo qabteen 3 qof oo Somali ah iyo Haweeney u dhalatay Faransiiska, waxaana Eedeysanayaasha lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan Koox Somali ku lug leh Daroogadda.
Eedeysanayaashaasi ayaa lagu soo oogay dhowr dembi oo khatar ah oo ay ku jirto inay kala gudbiyaan Daroogooyinka Herowiinka iyo Kokaรขโฌโขiinka.
Boliska West Mercia ayaa xaqiijiyey in 3 Somali iyo Haweeney Faransiis ah lagu soo oogay Ka Ganacsiga Daroogadda Khatarta iyo u kala gudbinteeda magaallooyinka Britain.
Ragga Soomaalida ee lagu soo oogay Kiiskaasi oo Reer London wada ah ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Kamaal Liibaan oo 19 jir ah, C/mahad Caddow oo 20-jir ah iyo C/raxmiin Saciid oo 20-jir.
Haweeneyda Faransiiska eel ala qabtay ayaa lagu magacaabaa Adem Benmesssahel oo 18 jir ah.
Eedeysanayaasha ayaa loo gudbin doonaa Maxkamadda, waxaana ay muteysan karaan xabsi ugu yaraan min 4 sanno ah.
รยฉRadio Dalsan