Boqolaal Tahriibayaal ay Somali ku jiraan oo maanta gaaray Talyaaniga

Ku-dhawaad 446-Tahriibayaal ay  ku jiraan carruur iyo dad waayeelo ah oo la socday dooni  nooca kalluumeysiga ayaa la badbaadiyey, xilli ay marayeen Badda Mediterranean.

Xafiiska Hay’adda Badbaadi Carruurta Save the Children ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in 95 haween iyo 59 carruur ah. Ka mid ahaayeen Tahriibayaashii la badbaadiyey.

Tahriibayaashaasi oo la rumeysan yahay inay ka soo shiraacdeen Xeebaha dalka Masar ayaa waxay u kala dhasheen dalalka Somalia, Sudan, Eritrea, Masar iyo Syria.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegay in Tahriibayaashaasi saakayto soo gaareen Dekedda Augusta ee Jesiiradda Sishilis.

 

Waa Safarkii ugu horreeyey ee si nabad ah ku gaaray Xeevaha Talyaaniga, tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay 950 Tahriibayaal ah isbuucan ku hafteen dooni ku degtay meel ka baxsan Xeebaha dalka Talyaaniga.

28 qof oo keliya ayaa ka badbaaday shilkaasi, iyadoo ay Boliska Talyaaniga gacanta ku dhigeen Kabtankii Doonidaasi oo u dhashay dalka Tunisia iyo mid ka mid ah shaqaalihii doonidaasi.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in Tahriibayaasha sannadkan ku geeriyooday Badda Mediterraneanka inay toban jeer ka sarreeyaan Tahriibayaashii geeriyootay sannadkii hore ee 2014-ka.

SAVE 1 SAVE 3

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor