Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay Nin la sheegay inuu Burcad yahay uuna dilay qof shacab ah

Ciidanka Booliska Deegaanka Garasbaaley oo  Gudanaya waajibkooda shaqo ayaa gacanta ku dhigay Mid kamid ah Kooxda Burcadka hubeysan ee dadka Shacabka ah dhaca.

Waxaana Booliska oo soo bandhigay shaqsigaan ay sheegeen in rasaas uu ku furay Ciidanka Amniga kuna dilay qof shacab ah, laba kalana ku dhaawacay.

Ciidanka ayaa Nikaan buracadka ah ka qabtay Waxaada 3-aad ee Deegaanka Garasbaley, xiligaas oo uu dhacaya qof dumar ah oo uu ka qaatay teleefan ay watay, waxa uuna watay Qoriga loo yaqaan M-16 sida ay sheegeen Booliska Soomaaliya.

Ciidanka Ammniga ee Booliska ayaana haatan kusoo xiray Saldhigga Degmada Dharkenley, waxaama la hor geenayaa Maxkamada ciidamada si loo marsiiyo Xukunkiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor