Booliska oo sheegay in Gaari ay saarnaayeen Arday lagu Qarxiyey Muqdisho & khasaaro ka dhashay

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qarax miino ah oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Deyniile, halka loo yaqaano Ceelka Ifis ee laamiga deyniile hareerihiisa.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo la hadlay Wakaalada wararka SONNA ayaa u sheegay qaraxii ka dhacay Deyniile lala eegtay gaari ay saarnaayeen Arday, xilli ay marayeen Wadada Schoolka Gutaale ee degmada Deyniile.

Wuxuu xaqiijiyey Afhayeen Sadiiq Doodishe in qaraxa uu ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac uu gaaray qaar kamid ah Ardaydii saarneyd gaariga, isagoona sheegay inay dhinteen laba Arday, halka ay dhaawacmeen 5 Arday kale.

Dhinaca kale warar la helayo ayaa sheegaya in qaraxii ka dhacay degmada Deyniile, halka loo yaqaano Ceelka Ifis ee laamiga deyniile hareerihiisa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda, uuna ka dhashay khasaaro gaaray askarta.

Maalmo kahor ayey aheyd markii qaraxyo waaweyn oo is-miidaamin ahaa ka dhaceen isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadaas ku dhintay 119 qof, halka ku dhawaad 400 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor