Booliska oo sheegay in 7 qof oo ku jiro Taliye Saldhig loo xiray dilkii Ganacsade Abuukar Kaabax

Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dhowr qof loo xiray kiiskii afduubka iyo dilkii ee dhawaan magaalada Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee ganacsade Abuukar Axmed Kaabax.

Afhayeenka ciidanka Booliska Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay mid kamid ah Telefashinada ku hadla Afka Soomaaliga ayaa xaqiijiyay in kiiska dilkaasi ganacsade Abuukar loo xiray 7 qof oo uu ku jiro Taliyaha Booliska degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir

Wuxuu intaasi kusii daray Afhayeenka ciidanka in ay dadaal badan galisay dowladda sidii kiiskaas loo heli lahaa dadka ku lugta leh, isla markaana raggan eedeysanayaasha ah ee haatan xiran loo gudbinayo Maxkamadda ku shaqada leh falkaasi.

Allaha u naxariistee ganacsade Abuukar Axmed Kaabax ayaa waxaa dhawaan gaari uu saarnaa kala dagay rag hubeysan oo marka hore afduubtay, kadibna dilay, waxaana meydkiisa laga helay meel qashin ah oo deegaanka Garasbaaley ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor