Boliska Degmadda Bomet ee dalkaasi waxay sheegeen inay dabagal ku hayeen, isla markaana ay qabteen Hebeenkii Jimcaha ayad gaari xamuul oo ay ku raran yihiin shixnad isugu jirtay maadooyinka laga farsameeyo waxyaabaha qarxa iyo qalabka loo adeegsado qarxintooda, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi waxa uu ka soo xigtay haweeneyda ka ah Taliyaha Boliska degmadda Bomet, Naomi Ichami inay gaariga xamuulka ku qabteen Deegaanka Kyogong oo dhowr KM u jirta Degmadda Bomet, isla markaana uu waday 1,750 Kiilogaram ee maadada loo adeegsado Bacriminta Beeraha ee Ammoniun Nitrate iyo 50 qalabka loo adeegsado Qarxinta, waa sida uu hadalka u dhigay.
Boliska waxay kaloo sheegeen inay xireen Dareewalkii waday gaarigaasi oo lagu magacaabo Joseph Wang’ombe oo 37-jir, kaasi oo la filayo in maalinta Isniinta ee berrito la soo maxkamadeeyo
Gaariga lagu qabtay shixnadaasi ayaa la sheegay inay leedahay Shirkad lagu magacaabo Nitro Chemicals, oo ay Boliska baadi-goobayeen Milkiilayaasha leh Shirkadaasi.
Boliska waxay tuhunsan yihiin in maadada Kiimikada la qabtay oo laga farsamayn karo waxyaabaha qarxa la doonayey in loo gudbiyo magaalladda Nairobi, si loogu adeegsado Weerar Qaraxyo ah, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Qabashada Kiimikadaasi oo la sheegay inay ahayd tii ugu ballarnayd ee muddooyinka la qabto, waxay ku soo aaday hal isbuuc kadib, markii ay Nabadsugidda Kenya gacanta ku dhigeen Nin lagu magacaano Adan Galhai, laguna naanayso Urisha Galhay oo 22-jir, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu qorsheynayey inuu dilo Madaxweynaha dalkaasi, Uhuru Kenyatta.
Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino ayaa sehegay inay Saraakiiasha Ammaanka fashiliyeen tiro badan oo weeraro la qorsheynayey, kadib, markii la helay warbixino Sirdoon oo ay soo ururiyeen qeybaha kala duwan ee Hay’addaha Ammaanka.
Kenya waxaa horey uga dhacay weeraro lagu riiqmay, waxaana ugu darnaa weerarkii ay Ururka Al-qaacida ku qaadeen dhismaha Safaaradda Maraykanka ee ku taalla magaalladda Nairobi bishii Augsut 7-dii ee sannadkii 1998-dii, laguna dilay ilaa 213 qof.