Idaacadda KBC ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ay Boliska ugu baaqeen dadweynaha inay la wadaagaan xogta ku aadan 3 nin oo Kenyan oo ka soo gudbay Xuduudka, si ay ugu biiraan Al-Shabaab.
Booliska ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inay raggaasi horaantii bishan April u gudbeen Xerooyinka Tababarka ee Al-Shabaab, lagana cabsi qabo inay dib ugu soo laabtaan Kenya, si ay u fuliyaan weeraro, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Hadal qoraal oo ay Boliska Kenya u kala direen Warbaahinta Maxaliga ay ku sheegeen in ragga la raadinayo lagu kala magacaabo:
- Maxamed Cabdalla Asman oo loo yaqaan Papa, kana soo tegay Xafadda Majengo ee magaalladda Nairobi,
- Xamasi Xamad oo loo yaqaano Boloteli iyo
- Cali Axmed Cali, kuwaasi oo ka yimid Gobalka Malindi Kilifi.