Shirkaas oo looga hadlayey Amniga deegaannada Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya aaya mudo laba Cisho ah waxa uu ka socday Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,waxana ka qeyb galay Saraakiil ka socotay Booliska Soomaaliya,AMISOM,UNSOM,Booliska Qaramada Mioobay iyo Hay’addo kale oo arrimaha Amniga ka Shaqeeya.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ahna kusimaha Madaxweynaha Maamulkaas Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay),waxaana shirka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa amniga deegaannada Koonfur Galbeed iyo sidii loo furi lahaa deegaannada u go’doponsan Al-Shabaab taas oo sababtay in Magaalooyinka qaar la isugu Karin.
Sidoo kale Mas’uuliyiintii kulanka ka qeyb gashay ayaa waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in dhammaan la furo Wadooyinka Go’doonsan taas oo muhiim u ah Bulshada iyo Maamulka Koonfur Galbeed intaba.