Booliska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray tiro Hoobiyeyaal ah oo saaka aroornimadii lagu garaacay degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo gaystay khasaare dhimasho iyi dhaawac leh.
Booliska ayaa xaqiijiyay dhimashada Seddex ruux iyo labo dhaawac ah, oo dhamaantood ahaa hal qosy oo gurigooda uu ku habsaday mid ka mid ah Hoobiuyeyaasha lasoo tuuray.
Afhayeenka u hadlay Booliska ayaa Hoobiyeyaashaasi ku sheegay inay ahaayeen kuwo macmal ah, waxaana uu inatasi ku daray in la doonayay in lagu qalqal galiyo caasimadda.
Afhayeenka aya sidoo kale sheegay in Howgallo ay sameeyaan loo soo qabtay falkaasi dad eedaysanayaal ah, kuwaasi oo la tuhmayo inay ku luglahaayeen hoobiyeyaashii lagu garaacay Qaybo ka mid ah Caasimadda.
“dad shacab ah ayaa ku geeriyooday Hoobiyaal Macmal ah oo AL-Shabaab  saaka ka soo tuurtay degmada Deyniile, Eedeysanayaal ayaana soo qabtay” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Gobolka Banaadir.