Hawlgal xili danbe ee xaley ay Ciidanka Booliiska Degmada Cadaado ay ka fuliyeen xaafada Waabari ee Magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka Galmudug ay kusoo qabteen carruurta oo muddo labo sano ah gacanta ugu jiray dad lasoo goostay.
Carruurta ayaa tiradoodu gaaraysaa 8-carruur ah, waxaana lasoo goostay sida la sheegay Jameecada loo yaqaannop Takfiirka oo sida la sheegay gacanta ku hayay caruurtaas.
Booliska oo soo bandhigay carruurta iyo hooyadii dhashay ayaa sheegay in carruurtaan lagu haayay Magaalada Cadaado, waxaana in muddo ah raadinayay Aabbaha dhalay carruurta, iyadoo hooyadood oo sida la sheegay Jameecada Takfiir-ka ka mid ah ay carruurta si dhuumaalaysi ah ugu haysay Magaalada Cadaado.
Dhanka kale Aabbaha dhalay carruurta oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo ah in uu raadinayay Carruurtiisa, waxaa uu sheegay in dhowr jeer ay soo waceen oo ay u sheegeen in ay u baahan yihiin lacag ay kusoo baxan, balse markii uu lacagta u diray ayuu sheegay in Hooyada dhashay Carruurta ay Taleefanka ka dansatay, dhowr magaalo oo ka tirsan Galmugug ayuu sheegay in uu ka raadiyay balse uu waayay, waxaana si weyn uu ugu Mahadceliyay Shacabka iyo laaamaha Ammaanka Cadaado.