Booliska Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Khamri farabadan oo sida la sheegay loo soo waday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Khamriga ayaa lagu qabtay sida wararku sheegayaan Kontoroolka horseed ee Waqooyiga Blaadweyne, waxaana Laamaha ammaanku ay sheegeen in ay gacanta ku hayaaan Khamirigii iyo dadkii waday, iaydoo ay sheegeen in ay hayaan Gaari laga soo buuxiyay Khamriga, ayna hayaan sidoo kale ruuxii waday Gaariga.
Laamaha ammaanka Baaldweyne ayaa sidoo kale waxaa ay sheegen in ay sii wadi doonaan howlgalada ay kula dagaalamayaan Maandooriyaha kala duwan ee degaanadaas lasoo galiyo iyo sidoo kale Gaadiidka lasoo marsiiyo Baladweyne ee lagu soo gudbiyo Maandooriyaha.
Waxaa ay digniin u direen dadka ku howllan falalka noocaas ah ee isku dayaya in ay dalka ku dhex faafiyaan Maandooriyaha kala duwan ee Khamirigu ka midka yahay, waxaana ay wacad ku mareen in ay gacan bir ah ku qaban doonaan dadka lagu helo falalka la xariira Maandooriyaha oo dhibaaato badan ku haya Bulshada Soomaaliyeed.
Khamriga ayaa dhawaanahaan waxaa uu kusoo badanayay dalka, waxaana tiro dhowr jeer ah Gobolada dalka lagu qabtay Gaadiid farabadan oo siday Maandooriye, iyadoo degaanada Galmudug tiro dhowr jeer ah lagu bur-buriyay Khamri Farabadan oo loo soo siday Magaalaad Muqdisho e Caasimadda Soomaaliya.