Booliiska Israa’iil oo weerar ku qaaday tobannaan qof oo ku Cibaadaysanayay Masjidka Al-Aqsa

Booliiska Israa’iil ayaa weerar ku qaaday tobannaan qof oo ku cibaadaysanayay Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus kahor waaberigii maanta oo Arbaca ah, sida ay sheegeen goob joogayaal.

Dhacdadan ayaa waxa ay dhalisay mudaaharaadyo ka dhacay guud ahaan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, waxaana milatariga Israa’iil ay sheegeen in sagaal gantaal looga soo ganay Qaza.

Rabshadaha ka socda Daanta Galbeed ee la haysto iyo magaalada Quddus ayaa sii kordhay sanadkii lasoo dhaafay, waxaana laga walaacsan yahay in xiisaddu ay sii kororto bishan, maadaama bisha barakeysan ee Ramadaan ay ku beegan tahay maalmaha ciidda Yuhuudda iyo kuwa Masiixiyiinta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply