Wargeyska Xuriyaat iyo Warbaahino kale ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in ay Boliska qabteen Ninkaasi oo ku dhuumaalaysanayey dhismo weyn oo ku yaalla Degmadda Esenyurt, gaar ahaan dhinaca ay Dadka Reer Europe ka deggan yihiin.
Boliska ayaa sheegay in Ninkaasi uu watay magacyo kala ahaa C/qaadir Masharipov, kana soo jeeda dalka Usbakistaan lala qabtay wiil yar oo uu dhalay oo 4-sanno jir ah, balse Wakaalladda Wararka u faafisa Dowladda Turkiga ee Anadolu News Agency ayaa sheegtay in Hawlgalkaasi lagu soo qabtay 5 qof, oo uu ku jiray Ninka dilka geystay, 3 Haween iyo Nin asalkiisu ka soo jeedo dalka Karakistaan.
Ninkaasi ayaa ku eedeysan Weerarkii bilowgii bishan ka dhacay Dhismo lagu caweeyo oo ku taalla magaalladda Istanbuul, halkaasi oo uu ku dilay 39-qof oo 27 ka mid ahaayeen Shisheeye oo ka soo kala jeeday dalalka Lubnaan, Sacuudiga, Urdun, Iraq, Tunisia, Hindiya, Moroko, Kanada iyo Israel.
Ugu yaraan 60-kale ayaa lagu dhaawacay Weerarkaasi oo uu fuliyey Eedeysanaha la qabtay.
©Radio Dalsan