Boliska Talyaaniga oo qabtay Mukhalas Soomaali ah oo dadka tahriibiya

Boliska ku sugan Degmadda Ragusa ee Jesiiradda Sishiliya ee dalka Talyaaaniga waxay gacanta ku dhigeen nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Ahmed Abdirahman Abdulkadir oo 33-jir ah.

Qabashadda ninkaasi ayaa suurtogelisay Muuqaal ay Diyaarad Drones ah ka soo qaatay Tahriibayaasha uu Mukhalaskaasi la socday, waanaa markii ugu horreysay oo Diyaaradaha Droneska loo adeegsado in lagu aqoonsado Mukhalasiinta dadka ka soo tahriibiya Xeebaha Libya.

Eedeysanayaashaaasi ayaa Mukhalas ka ahaa dooni ay isaga iyo 369 Tahriibayaal ah la socdeen, kuwaasi oo soo gaaray jesiiradda Sishilis.

50 Tahriibayaal oo ka mid ah dadkii la socday doonidaas ayaa Boliska u sheegay inuu Ninkaasi yahay Mukhalaskii soo saaray Doonida.

Dhinaca kale, Labo Mukhalas oo u dhalatay dalka Tuinis iyo mid u dhashay dalka Libya ayaa iyagana laagu qabtay Talyaaniga, kadib, makii la bar aqoonsaday.

Kooxaha Mukhalasiinta ee dadka ka soo tahriibiya Xeebaha Libya ayaa la sheegay inay doonida ku soo iibsadaan 450,000 oo Giniga Isterliinka Britain, waxayna qof kasat oo doonida soo raacayo ka qaataan lacag dhan 1,300 oo geniga Istarliinka Britain.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor