Boliska dalka Sweden waxay xireen, oo ay su’aalo weydiinayaan Wiil Somali oo da’diisa lagu qiyaasay 14 jir ilaa 17 jir ah, kaasi oo lagu eedeynayo inuu Tooreey ku dooxay haweeney ka mid ahayd Shaqaalaha Samafalka oo la oran jirey Alexandra Mezhar oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Lubnaan.
Boliska waxay tilmaameen inuu Wiilka Soomaaliga uu abaarihii 7:45 daqiiqo ee Subaxnimaddii Isniinta la soo dhaafay uu tooreey Dhabarka iyo Bowdada kaga dhuftay Alexandra Mezher oo 22-jir ahayd, taasi oo ugu dambeyntii ku geeriyootay Isbitaalka.
Wiilka Soomaaliga ayaa la sheegay inuu deggan yihiin Deegaanka Mölndal, oo ku taalla duleedka magaalladda Gothenburg ee Xeebta Galbeed ee dalka Sweden, waxaana Degmadda Molndal qaxooti ahaan loogu qaabilay in ka badan 4,000 oo Carruur Qaxooti ah oo aan wax Waalid ah la soconin.
Haweeneyda la dilay oo ku takhasusutay Cilmi Nafsiga (Psychology) waxay Waalidkeeda ka soo qaxeen dalka Lubnaan muddo haatan laga joogo in ka badan 25-sanno.
Waxay haatan iyada iyo Hooyadeeda iyo Walaalaheeda ka yar wada deganaayeen Degmadda Borås oo ku-dhawaad 40 miles u jirta Degmadda Molndal oo ah halkii ugu dambaysay ee iyada lagu dilay.
Hooyadda dhashay Haweeneyda la dilay oo lagu magacaabo Chimene Mezhar ayaa sheegtay inay ka naxday dilka gabadheeda oo ahayd Shaqaale Gargaar oo caawimi jirtey in ka badan 4,000 oo Carruur Qaxootiyaaal aan Waalidkooda la soconin iyo Dhallinyaradda Qaxootiga ee ku nool Degmadda Molndal
Chimene Mezhar oo 42 jir ayaa sheegtay inay Lubnaan uga soo carareen Dagaal Sokeeye iyo Khatar oo ay yimaadeen Sweden oo ah meel Nabadoon, waxayna carrabka ku dhuftay inaysan Sweden haatan ka jirin Nabad dheeri ah.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Sweden, Stefan Lofven ayaa ballan-qaaday in Ciiddan Bolis oo dheeraad ah la geyn doono Xarumaha lagu hayo Qaxootiga.
Tobias Hellstrom oo ah Wakiilka Xisbiga Sweden Democrats ee ka soo horjeeda Qaxootiga ku sugan Degmadda Molndal ayaa sheegay inuu dilkaasi muujinayo Khatarta ay ka digi jireen oo haatan dhacday.
Waxaa Turjumay: Axmed Xaaji Ugaaska
©Radio Dalsan