Boliska ayaa sheegay in Eedeysanaha haatan lagu hayo Baaritaan, lamana sheegin dalka uu ka soo jeeday.
Weriye ka tirsan REUTERS ayaa sheegay inuu maqlay qarax weyn, kadib, markii ay Ciiddanka ku takhasusay waxyaabaha qarxa yimaadeen halka la dhigay Qaraxaasi.
Afhayeen u hadlay Boliska dalkaasi ayaa sheegay inuu qaraxaasi ka dayaan badnaa Bambooyinkaรย ay Ciiddanka Norway isticmaalaan.
Qaraxaasi ayaala dhigay Deegaanka Groenland ee Bartamaha Oslo, halkaasi oo ay kuรย yaallaan Saldhiga Dhexe ee Boliska Oslo, Baarar laga cunteeyo iyo dhismooyin kale.
Sannadkii 2011-kii, Xag-jir ka tirsan Garabka Midig oo lagu magacaabo Anders Behring Breivik ayaa gaari ku qarxiyey Xarumaha Dowladda ee magaalladda Oslo, ka hor inta uusan Toogasho ku dileen 68 qof oo ku sugnaa Jesiiradda Utoeya.
รยฉRadio Dalsan