Saraakiish Boliska ka hawlgala magaallo-madaxda Gobalka Utah ee Salt Lake City ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan qaabkii ay u dhacday Toogashadda loo geystay Wiilka Soomaaliga oo lagu magacaabo
Dibadbaxyo looga soo horjeedo Toogashaddii ay Boliska maalintii Santida ee la soo dhaafay ku dhaawaceen Wiilkaasi oo 17 jir ayaa weli ka socota magaalladda Salt Lake City.
Saraakiisha waxay sheegeen inaysan Muuqaalkaasi baahin doonin tan iyo inta uu Baaritaanka socdo.
Sarkaal ka tirsan Boliska ayaa la sheegay inuu si xun u dhaawacay Wiilkaasi, kadib, markii uu diiday inuu iska dhigo Bir fiiqan oo uu wiil kale ku handadayey.
Dhinaca kale, Cabdi Maxamed oo dalka Maraykanka la yimid  Familkiisa sannadkii 2004-tii ayaa la sheegay inta aan la tooganin ka hor inuu saaxiib la ahaa Dhallinyaro la sheegay inay yihiin Burcad dadka dhaca.
©Radio Dalsan