Inkastoo ay Boliska Kenya bilowgii isbuucan shaaciyeen inay baadi-goobayaan Muwaadin British ka tirsan Alshabaab oo la sheegay inuu ku sugan yahay gudaha Kenya ayaa waxay maanta soo bandhigeen Sawirka Jihadistahaasi.
Twitterka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa lagu baahiyey Sawirka Jihadiste Maalik Yaasiin oo aan ku cusbayn Sawirkiisa Warbaahinta Caalamka.
Wasaaradda waxay dadka Kenyanka ka codsadeen inay soo gudbiyaan Warbixino horseedi kara in la qabto Ninkaasi oo ay sheegeen inuu dheer yahay, isla markaana uu ku hadlo siiqada Englishka looga hadlo Britain.
Dowladda Kenya waxay sheegtay inay Heegan buuxa uga jiraan weeraro kaga yimaada Xarakadda Alshabaab, oo iyagu hawlgalo qorsheysan ka fuliya gudaha dalkaasi.
Bishii April ee sannadkan, waxay Alshabaab weerareen Jaamacadda Garissa, oo lagu dilay ugu yaraan 147-qof.
Weerar kale oo ay bishii September ee sannadkii 2013-kii ku qaadeen Dhismihii Dukaamaysiga  Westgate ee magaalladda Nairobi waxaa lagu dilay 67 qof.
© Radio Dalsan   Â
Â