Hadal ka soo baxay Boliska Kenya, laguna baahiyey Warbaahinta dalkaasi ayaa lagu sheegay in abaalmarin dhan 8 million oo Shillinka Kenya la siinayo qof kasta oo keenta Warbixin horseedi karta in la soo qabto 4 nin oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab.
Ragga la baadigoobayo oo Kenyan ah waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Cismaan Caliyow, C/llaahi Dhimbil Axmed, Maxamed Axmed Faarax iyo Abuukar Maxamed Yoonis, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay ka dambeeyeen weerar bishii December 21-dii ee sannadkii hore lagu qaaday Bas ku sii jeeday Mandera.
Boliska Kenya waxay kaloo sheegeen inay Raggaasi ka dambeeyeen Weerarkii lagu qaaday Bas ay leedahay Shirkadda Basaska ee Maka, oo lagu dilay 2 qof oo ka mid ah Rakaabkii saarnaa, iyadoo  4 kalena lagu dhaawacay.
©Radio Dalsan            Â