Abdirahman Abdi oo 37 jir ah ayaa shalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalladda Ottawa ee dalka Kanada, 45 daqiiqo kadib, markii ay Boliska ay Isbitaalka geeyeen.
Marxuumkaasi oo cuddurka Dhimirka ku dhaca la xanuunsanaa ayey Boliska ka soo qabteen Dhismaha Hintonburg, iyadoo la sheegay inay Boliska jir-dileen.
Dhowr Sarkaal oo ka tirsan Boliska Ottawa ayaa soo xiray ninkaasi oo ay ku eedeeyeen inuu carqaladeyn ka wada meel ku dhow Dukaan laga cabo Kafeyga.
Goobjooge lagu magacaabo Zeynab Abdullaahi ayaa sheegtay inay Boliska u sheegtay inuu Abdirahman Abdi waalan yahay, kana bariday inay sii daayaan, balse ay Boliska ku gacan sayreen codsigeeda.
Goobjoogayaal kale ayaa iyagana sheegay inuu Marxuumka dhiig baxay, isla markaana ay Boliska ku buufiyeen sunta dadka ka ilmeysa oo laga farsameeyey Bisbaas.
.Afhayeenad u hadashay Qoyska Marxuumka oo lagu magacaabo Nimco Cali ayaa sheegtay inay la kulmeen Dhakhaatiirta, una sheegeen in laga yaabo inuu Marxuumku u geeriyooday hawada Oksijiinka oo ku yaraatay Maskaxdiisa.
Abdirisak Abdi oo la dhashay Marxuumka oo la hadlay Telefishinka CBC News ayaa sheegay inuu arkay Boliska oo si caddowtooyo leh u garaacayey Walaalkiisa.
Waxa uu intaasi ku daray inay Boliska dusha kaga fariisteen Walaalkiisa, iyagoo madaxa ka garaacayo.
Dhinaca kale, Taliyaha Boliska magaalladda Ottawa ayaa sheegay inay la xiriiri doonaan Qoyska Marxumka ku dhintay Gacanta Boliska, wuxuuna xusay inay Baarayaasha Boliska ee SIU ku guda jiraan baaritaanka Shilkaasi murugada leh.
©Radio Dalsan