Boliska Britain ayaa sheegaya inay baarayaan wararka sheegayo in Samantha Lewthwaite oo loo yaqaano Carmalada Cad lagu arkay iyadoo ku sugan Hotel ku yaalla magaalladda Darlington ee W/bari ee Gobalka England ee dalka Britain.
Haweeney u muuqaal ah Carmalada Cad ayaa lagu arkay Hotelkaasi bishii la soo dhaafay 26-da, sida ay Boliska u sheegtay Haweeney soo aragtay Samantha Lethwaite.
Afhayeenad u hadashay Boliska Durham ayaa sheegtay inay baaritaan ku hayaan warkaasi, inkastoo ay Warbaahinta Britain sheegeen inaysan Boliska u arkin warkaasi mid khatar ah.
Afhayeenad u hadashay Hotelka Bannatyne ee magaalladda Darlington waxay ka gaabsatay inay xaqiijiso ama beeniso inay Samantha Lewthwaite u timid Hoteelka indha-indhayn iyo inay iska diiwaangeliso.
Samantha Lewthwaite oo 32 jir, lehna 4 carruur ah ayaa waxaa aad u baadi-goobaya Saraaakiisha Boliska Calaamiga ee INTERPOL, iyadoo lagu eedeynayo inay ahayd maskaxdii ka dambeysay weerarkii ay Alshabaab sannadkii 2013-kii ku qaadeen Dhismaha Ganacsiga ee Westgate Mall ee ku yaalla Nairobi, laguna dilay 67 qof.
Waxaa kaloo lagu eedeynayaa weerarkii ay Alshabaab 9 bilood ka hor ku qaadeen Jamaacadda Garissa, laguna dilay 148-qof.
Dhinaca kale, Samantha Lewthwaite oo inta badan isticmaasha naanaysyadda Nataliye Web iyo Sherafiyah Lewthwaite waxay ahayd xaaskii uu ka geeriyooday Germaine Lindsay oo bishii July 7-dii ee sannadkii 2005-kii isku qarxiyey magaalladda London, oo ay ku geeriyoodeen 27-qof.
©Radio Dalsan