Boliska Galbeedka Yorkshire ee Gobalka England ee dalka Britain ayaa soo saaray Qoraal ay ku sheegeen inay ku baadi-goobayaan Muwaadin Somali o olagu magacaabo Mubarak Mohamed oo 30-jir, kaasi oo lala xiriirinayo fal weerar kufsi ah oo lagula kacay ilmo yar oo ku sugan Degmadda Liidhis.
Ku-simaha Baraaha DEmbiyadda ee Waaxda Ilaalinta Ammaanka Degmadda Liidhis, Tanya Wilkins ayaa sheegay inay si degdeg u baahan yihiin inay ogaadaan halka uu joogo iyo in isaga lagala hadlo Baaritaanka Kiiskaasi.
Waxa uu ka codsaday qof kasta oo ka war haysa halka uu ku sugan yahay Ninkaasi inay Boliska soo wargeliyaan, si ay taasi gacan uga geysato Baadi-goobkiisa.
Wargeyska The Standard UK ayaa qoray inay Saraakiisha Boliska aaminsan yihiin inuu Eedeysanaha ka tegay magaalladda Liidhis maalintii Jimciha ee la soo dhaafay, lagana yaabo inuu haatan ku sugan yahay magaalladda London.
Saraakiisha Boliska waxay sheegeen inay Eedeysanaha u raadinayaan si  wax looga weydiiyo arrinta lagu soo oogay.
Boliska waxay kaloo sheegeen inuu Eedeysanaha ku hadlo Lahjadda Englishka looga hadlo Koonfurta Britain, Afka Soomaali iyo Luqadda Carabiga, gaar ahaan Lahjadda looga hadlo Dubai ee dalka Imaaraadka.