Wakiilada Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeyay dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Soomaaliya, kadib markii muddo ka badan hal sano oo dhammaan hay’adaha Soomaaliyeed ee la soo doortay ay dhaafeen waqtigoodii dastuuriga ahaa.
War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay inay ku hanweyn yihiin in si degdeg ah loo dhamaystiro marxaladaha haray ee geedi-socodka doorashada, gaar ahaan doorashada hoggaanka Baarlamaanka, kadibna Madaxweynaha dalka.
Sidoo kale Wakiilada ayaa tilmaamay in ogsoon yihiin in ay jiraan kuraas Baarlamaan oo aan la buuxin, isla markaana fahamsan yihiin Xildhibaanada aan weli la dhaarin ay kusoo biiri karaan geeddi-socodka hadba meeshi uu marayo.
“Saaxiibbadu waxay mar kale ugu baaqayaan madaxda Soomaalida inay yareeyaan xiisadaha siyaasadeed, ixtiraamaan xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna si deg deg ah, nabad oo lagu kalsoonaan karo u soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Beesha Caalamka.
Dhinaca kale Beesha Caalamka ayaa cambaareysay weerarka hoobiyaasha ah, ee ay mas’uuliyadiisa sheegteen Al-Shabaab, ee subaxnimadii hore ee manta ku dhacay meel ku dhow goobta ay ka dhaceysay xafladda dhaarinta.
War-saxaafadeedka ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray :Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.