Beesha Caalamka ayaa War Cusub kasoo saartay xaaladda dalka Soomaaliya ee ku aadan Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas dhowr ah dalka laga helay ayna u geeriyoodeen laba ruux oo kamid ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.
War-saxaafadeed kasoo baxa Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in Cudurka Coronavirus uu yahay caqabad Caalami ah oo aduunka sameeyay ayna bahoontahay in si wadajir ah loo wajaho.
Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqday ina si deg deg ah u bilaaban wadashaqeyntii hore si loo wajaho Cudurka saf-marka ee COVID-19.
“Dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Baaralmaanka waa unay sii wadaan howlahooda muhiimka ah, iyagoo adeegsanaya haddii loo baahdo kulanka Khadka Internet-ka..” ayaa lagu yiri Qoraalka Beesha Caalamka.
Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay dadaalada ay Dowladda Soomaaliya uga hortageyso Cudurka, iyadoo bogaadisay tallaabooyin kala duwan ay qaaday dowladda Si loo xakameeyo faafida Cudurka.