Beesha Caalamka oo balan qaaday taageerida heshiiska Doorashada dalka

Kulan gaar ah oo u dhexeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Maanta ka dhacay Teendhada Afisyooni ee Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo heshiiskii maalmo kahor Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ay ka wada gaareen khilaafkii ka tagaan doorashada dhaceysa.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska warfaafinta Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu Wrbixin ka siiyey Wakiilada Beesha Caalamka heshiiskii laga gaaray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay dowladda Federaalka uga go’an tahay qabsoomida doorasho caddaalad ah oo dhinacyadu u siman yihiin.

Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee Khamiistii laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Ugu dambeyn Beesha Caalamka ayaa kulanka inta uu socday balan qaaday inay taageeri doontoan gelinta heshiiska doorashooyinka ee la saxiixay, isla markaana u mahadceliyay Madaxda ka qeyb galay Shirka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor