Beelo in ka badan 40 sano ku dagaallamayay Galmudug oo heshiiyay

Magaalada Dhuusamareeb waxaa heshiis nabadeed lagu dhexdhigay laba beelood oo muddo tobannaan sanadood ah ku dagaallamayay deegaanno ay wada-dagaan oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Waxgaradka labada beelood waxay isku-afgarteen in la soo afjaro colaadda mudada dheer u dhaxaysay, waxaana ay ugu dambayntii kala saxiixdeen dhowr qodob oo ay ku heshiiyeen.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in muddo 12 cisho kadib ay u suurtogashay inay heshiisiiyaan beelo 40 sano ka badan ku dagaallaamayay halkaas.

“Galmudug waxaa ka dhacay heshiis taariikhi ah oo dhexmaray beelo oo in ka badan 40 sano ku dagaallamayay gobolka Galgaduud dhibaato badan iyo khasaare badan ay soo kala gaartay”

Goobta uu heshiiska ka dhacay waxaa joogay madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor