Beelo dagaalsanaa 34 sano oo markii ugu horeysay ku wada hadlay dhabad.daawo sawiro

Kulan ballaaran oo lagu heshiisiinayey Labo beelood oo ay muddo 34 sanno colaadi ka dhexeysay ayaa maanta la isku soo hor fariisiyey Degaanka Dhabad.

Beelahaasi ayaa waxay kala degaan Degmadda Cadaado iyo Deegaanka Dhabad oo ka tirsan Deegaanadda Waqooyiga ee Gobalka Galgaduud.

Ergooyinka labadaasi beeleed waxay maanta yeesheen wada-hadal iyo is-faham hordhac ah.

kulankan  oo laysku soo hor fariisinayay Egooyin ka kala socda labo beelood oo kala dega cadaado iyo dhabad oo ka wada tirsan gobolka galguduud

Qaar ka mid ah Waxgaradka iyo Hoggaanka Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ay wehliyeen Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha Bulshadda  ee Degmadda Cadaado ayaa aroornimaddii maanta ka ambabaxay Cadaado, oo ay gaareen Tuulladda Sarmaan oo u dhexeyso Cadaado iyo Dhabad, waxayna ka sii gudbeen halkaasi, markii ay dhinaca kale codsadeen in loo soo gudbo Tuulladooda, si ay u noqoto Madasha lagu wada hadlayo.

Kulankaasi oo barqanimaddii maanta si toos ah uga bilowday deegaanka Dhabad waxaa ka hadlay Waxgaradka labada dhinac, oo iyagu soo dhawqeeyey Wada-xaajoodka labada beelood oo ay ka dhexeyso dhalyo iyo xididnimo fac weyn, waxayna tilmaameen inay nabad u ooman yihiin

Waxgaradka labada dhinac waxay isku raaceen inay nabada wada dhowraan hadii UUdhib dhacana uu noqdo mid layska soo gaaro oo aan sii faafin ama laga hortago

Mas’ uuliyiinta kulankaasi ka qeyb gashay waxaa ka mid ahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Maamulka ximan iyo xeeb, Cabdi Maxamed Axmed, Abwaan Daahir Shidane  Cabdi oo ah Musharax u taagan xilka Madaxweynenimadda ee Goballadda Dhexe isla markana soo abaabulay kulankan , Ex-xildhibaan Maxamad Jaamac furux iyo xubno kale oo dhamaantoodba ka baxay degmada cadaado.

dhinaca beesha degaanka dhabad waxaa iyagana kulanka uga qeyb galay bulshada deegaanka oo ay horkacayeen  Nabadoon Xasan yare oo ah Nabadoonka Guud ee Degaankaasi iyo Gudoomiyaha Deganka Dhabad, Aadan Gebi

Dhinaca kale waxaa isagana si goobjoogenimo ah uga qeyb galay kulankaasi Gudoomiyaha Maamulka Degmada Ceelbuur ee Bariga Gobolka Galguduud, Nuur Xasan  Guutaale.

waxaa xusid mudan in inta badan dadka degaanka dhabad ay hubeysan yihiin marka laga reebo dumarka caruurta iyo dadka da’da ah.

Madasha shirku ka dhacayayna waxaa lagu arkayay rag hubeysan inkastoo ay iska faraxsanaayeen oo aysan xiligaas wax colaad ah qabin hadana waa wax dadku ay la qabsadeen  mudo dheer oo nidaam la’aan ah iyo dagaalo qabiil oo nolosha ka mid noqday  koox dhalinyaro ah oo reer dhabad ah ayaa rasaas cirka u riday si ay u cabsi galiyaan shirka socday waxaase markiiba ku yaacay oo qabqabtay waxgaradkii reer dhabadeed ee martida loo ahaa waxayna raaligalin ka siiyeen cuqaashii shirka fadhiday

 

Intaasi kadib waxaa labadii dhinacba ay u soo dhaqaaqeen degaanka tuulo sarmaan oo hoos tagta maamulka ximan iyo xeeb halkaas oo lagu sooryeeyay ayna ku duceysteen labadii reerba

kulankii maanta ee degaanka dhabad ayaa waxaa uu astaan u yahay sida dadka soomaaliyeed hadii leysu madax baneeyo oo ay kaligood wada xaajoodaan isku fahmayaan isuguna garaabayaan

W/Q:Abuubakar Muxuyadiin Xashara

Radio Dalsan,  cadaado 

DSCI6136 DSCI6137 DSCI6138 DSCI6140 DSCI6141 DSCI6144 DSCI6145 DSCI6153 DSCI6154 DSCI6156 DSCI6157 DSCI6160 DSCI6166 DSCI6168 DSCI6170 DSCI6171 DSCI6172 DSCI6174 DSCI6176 DSCI6178 DSCI6180

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor